Xaflad si qurux badan loo soo agaasimey ayaa waxa ay ka dhacdey caasimada wadanka Mareykanka (Washington DC)  SAWIRO BADAN

Xafladaasi oo si qurux badan loo soo agaasimey ayaa waxa ay ka dhacdey caasimada wadanka Mareykanka (Washington DC). Xafladaas oo lagu soo dhaweynayey Madaxweynaha wadanka Soomaaliya Mudane Abdullahi Yusuf Axmed.
Xafladaas oo ay isugu yimaadeen marti sharaf ka kala timid gobolada Mareykanka, wadanka Kanada, iyo dad aan badneyn oo ka yimid yurub. Marti sharftaas ayaa waxa ay isugu jireen Siyaasiyiin, Aqoon-yahano, Ardey, Hooyooyin, Macalimiin, Fanaaniin, Suxufiyiin, iyo Ajnabi badan oo ka kala yimid xafiis yada wadanaka Maraykanka

.


Madaxweynaha ayaa waxa la socday wafti heer sare ah oo uu ku jirey wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya Aqoonayhan Cali Axmed Jaamac (jangali). Wasiirka oo isagu ku soo dhaweeeyey madaxweynaha shirka ayaa waxa uu hordhac sii yey marti sharaftii halkaas isugu timid una sheegey in ay caawa ka dhargi doonaan qudbada madaxweynaha.
Sidoo kale waxa halkaas warbixin qiime leh ka soo jeediyey marti sharaftii ka kala timid qaaradaha aduunka iyo gobolada Mareykanka iyagoo iska soo xulay qolo walba qof u warbixiya. Waxa iyagu hadalka qaybinayey gobalkii martida loo ahaa Soomaalida degan (Washington DC). Warbixinadaas oo runtii qolo walba kaga warbixineysey sida Soomaalidu u degan tahay, iskuna kaashadaan, iyo sida ay ugu baahan yihiin in la helo dowlad Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii ayaa madaxweynaha Soomaaliya Mudane Abdullahi Yusuf Axmed u istaagey qudbad qiimo leh kagana hadlay marxalado dhowr ah oo ay dowladu soo martey iyo hada marxalada ay ku jiraan, iyo waxa ay doonayaan in ay qabtaan inta u dhiman xilkooda. Waxana uu ku soo gabogabeeyey in Soomaalidu gacmaha is qabsato kuna dadaalaan nabad sidii looga shaqeyn lahaa.

Fadlan Halkan ka daawo xafladii Soo Dhaweynta Madaxweynaha:

Qeybtii kowaad insideminnesota.org/images.html )- Halkaan ka daawo sawiraddi mudane c yuusuf

Qeeybtaan labaad  insideminnesota.org/sports.html )-Halkaan ka daawo aqoon yahandda uu la kulmay mudane c.yuusuf

Qeybta sadaxaad somaliyedinsideminnesota.org/images.html )) - Halkaan ka daawo  dhanka haweynka lakulanka

Somali Media
Abdimalik Askar
aabdimalik@hotmail.com