Idaacadda04:00 
Idaacadda11:00 
Idaacadda14:00
Idaacadda18:00
 
13:00 Duhurnimo
16:00  Fiidnimo
17:00 Habeenim
 
Waayaha

Nugaalmed

Allpuntland
Allidamaale
Puntlandpost
Dowladnimo
Somalifans
Juurile.
Jidbaale
Mudug-Online
Halgan
 

 

 

Tixdan gabayga ah waxay ka tarjumaysaa xaaladda gobolada S. S. C. Gabaygan waxa tiriyey: Axmed Xuseen Canshuur. Waa kan gabaygii:
 
Diricyada inoo kaca tolkeen, waa u daraadaane
Dooddiisa kii loo bogiyo, deeqsinimadiisa
Geesigooda iyagaa diloo, daysan ma hayaane
Horaa loo deldelay duubabkii, diirada u sidaye
Difaacooda maalkiyo naftaba, kii u diriraaya
Dembi suu ka galay bay dabraan, lama dadaalaane
Inaan hadalkan deelqaaf ku jirin, waxaw daliilkiiya
Degaamada xorayn iyo midnimo, nimanki loo doortay
S. S. C. dabkay ololiyeen, qaarka daminaaya
Maantana dariiqii horiyo, damacu waa kiiye
Waa kuwo dantii aan lahayn, diidan oo rabine
Allow yaa u diga diradirayn, doorkan waa halise
 
Isku duubnidaa lagu noqdaa, dowlad xoog badane
Shisheeyaha durbaanka u tumay, daacad bidayaane
Allo yaa u diga duul is nacay, dabar go’ weeyaane
Dabinada la qooliyo xadhkahan, laysu wada daadsho
Hadal debecsan deris iyo aqoon, dollar bixintiisa
Ciddii lagu dagaayaan waqeed, soo durdurinayne
Allow yaa u diga daaq tagani, waa dar xumadoode


Email: Cashuur101@hotmail.com
 

 


 
Garam dheere      
 

 

web jirac
     
e