Idaacadda04:00 
Idaacadda11:00 
Idaacadda14:00
Idaacadda18:00
 
13:00 Duhurnimo
16:00  Fiidnimo
17:00 Habeenim
 
Waayaha

Nugaalmed

Allpuntland
Allidamaale
Puntlandpost
Dowladnimo
Somalifans
Juurile.
Jidbaale
Mudug-Online
Halgan
 

 

 

Qaladaadkii  1992 xiligii Dagaalkii Puntland Ay Galeen Itixaadku Intii Uu Dagaalku Socday.

1. Qaladka ugu wayn oo dhabar jabka ku riday Itixaadka waa magacaabidii Sh. Xasan Daahir Aweys loo magacaabay inuu hogaamiyo dagaalka, waayo xiligaas waxa gobolka Gedo qabsaday USC iyo Jan. Caydiid oo ay isku hayb qabiil yihiin Col. Xasan Daahir, taasina waxay keentay inay cidiyaha ku diriraan dadweynihii gobolada Waqooyi-Bari maadaama goboladaas ay ahaayeen meesha kaliya oo waqtigaas aan gacanta ugu jirin Jan. Caydiid iyo USC-diisa, waxana jirtay cabsi ah marka uu Gedo ka saaro Max’ed Siyaad inuu Jan. Caydiid soo weerari doono gobolada Waqooyi-Bari. Haddii dagaalka Bari uu hogaamin lahaa nin u dhashay beesha Daarood waxa hubaal ah in Col. C/lahi Yusuf uusan heleen teegarada uu ka helay dadweynaha gobolada Waqooyi-Bari.

2. Marka ciidamada Itixaadku ay qabtaan qof ka tirsan ciidamada SSDF way dili jireen, taasoo kasoo horjeeda dhaqanka iyo sharciga dagaalka Muslimiinta dhexdooda ah, waayo ma banaana in qof Muslim ah oo dagaal lagu qabtay la dilo, ama xoolihiisa la qaato, ama dumarka iyo caruurta Muslimiinta la qafaasho. Dilka noocaas ah ee maxaabiista SSDF lagu dilay waxay cadayn u tahay in loo arkayay inay gaalo yihiin sidaas darteedna dhiigoodu uu xalaal yahay.

3. Intii ay daganaayeen Itixaadku waadiga Saliid ee gobolka Sanaag waxa usoo guuray halkaas dumar fara badan oo ka kala yimid Garoowe, Boosaaso iyo Laas-Qoray. Dumarkaas iyaga ah oo kasoo tagay aabayaashood waxa Wali u noqday oo mehrin jiray Sh. Xasan Daahir Aweys oo isku arkayay markaas inuu yahay Amiirka Muslimiinta, wuxuna ku mehrin jiray Wilaayo Xaakim Muslimiin inuu haysto oo kale. Haddii aysan sidaas ahayn dhanka kale ayaa kasii daran oo markas waxa lagu mehrin jiray gabdhahaas sidii in aabayaashood ay gaalo yihiin oo wilaayadooda aysan gacanta ugu jirin.

4. Ciidamadii Itixaadku waxay isku dayeen inay kacsadaan warshadii Kaluunka Laas-Qoray iyagoo aan wax ogolaansho ah ka haysan ganacsatadii iska lahayd warshadda, lakin uma suurto galin inay u kacdo oo xirfadlayaashii isku dayay inay kicyaan waxay u baahdeen qalab aan markaas oolin gudaha Somaliya.

 

Qaladaadkii Ay Galeen Itixaadku Intii Uu Dagaalku Socday

Lasoco Qaybaha danbe

 


 
Garam dheere      
 

 

web jirac
     
e