|
Qaladaadkii Ay Galeen Itixaadku
Intii Uu Dagaalku Socday.
1. Qaladka ugu wayn oo dhabar jabka ku
riday Itixaadka waa magacaabidii Sh. Xasan Daahir Aweys loo
magacaabay inuu hogaamiyo dagaalka, waayo xiligaas waxa
gobolka Gedo qabsaday USC iyo Jan. Caydiid oo ay isku hayb
qabiil yihiin Col. Xasan Daahir, taasina waxay keentay inay
cidiyaha ku diriraan dadweynihii gobolada Waqooyi-Bari
maadaama goboladaas ay ahaayeen meesha kaliya oo waqtigaas
aan gacanta ugu jirin Jan. Caydiid iyo USC-diisa, waxana
jirtay cabsi ah marka uu Gedo ka saaro Max’ed Siyaad inuu
Jan. Caydiid soo weerari doono gobolada Waqooyi-Bari. Haddii
dagaalka Bari uu hogaamin lahaa nin u dhashay beesha Daarood
waxa hubaal ah in Col. C/lahi Yusuf uusan heleen teegarada
uu ka helay dadweynaha gobolada Waqooyi-Bari.
2. Marka ciidamada Itixaadku ay
qabtaan qof ka tirsan ciidamada SSDF way dili jireen, taasoo
kasoo horjeeda dhaqanka iyo sharciga dagaalka Muslimiinta
dhexdooda ah, waayo ma banaana in qof Muslim ah oo dagaal
lagu qabtay la dilo, ama xoolihiisa la qaato, ama dumarka
iyo caruurta Muslimiinta la qafaasho. Dilka noocaas ah ee
maxaabiista SSDF lagu dilay waxay cadayn u tahay in loo
arkayay inay gaalo yihiin sidaas darteedna dhiigoodu uu
xalaal yahay.
3. Intii ay daganaayeen Itixaadku
waadiga Saliid ee gobolka Sanaag waxa usoo guuray halkaas
dumar fara badan oo ka kala yimid Garoowe, Boosaaso iyo
Laas-Qoray. Dumarkaas iyaga ah oo kasoo tagay aabayaashood
waxa Wali u noqday oo mehrin jiray Sh. Xasan Daahir Aweys oo
isku arkayay markaas inuu yahay Amiirka Muslimiinta, wuxuna
ku mehrin jiray Wilaayo Xaakim Muslimiin inuu haysto oo kale.
Haddii aysan sidaas ahayn dhanka kale ayaa kasii daran oo
markas waxaa aay is maan dhaafeen ninka Atam oo caan
aheyn wagaasi balse oo ku dhuumaleysan jiray dadka
shacabka ah in kastoo uu ahaa Atam macalin dugsiyadda oo aan
sidaasi ula weyneyn xasan dahir arinka aay isku man dhaafeen
oo ahaa mid lagu mehrin jiray gabdhahaas sidii in
aabayaashood ay gaalo yihiin oo wilaayadooda aysan gacanta
ugu jirin. intii badneydna aay dib ugu soo labteen
Guryahooddii kadib markii aay fahmi waayeen Qabka wax loo
wado
4. Ciidamadii Itixaadku waxay isku
dayeen inay kacsadaan warshadii Kaluunka Laas-Qoray iyagoo
aan wax ogolaansho ah ka haysan ganacsatadii iska lahayd
warshadda, lakin uma suurto galin inay u kacdo oo
xirfadlayaashii isku dayay inay kicyaan waxay u baahdeen
qalab aan markaas oolin gudaha Somaliya.
Lasoco
UNISOM
Diidmadii Ugu Horaysay Ee Dagaalka
Bari & itaxdkii oo markale isu iman doono oo shir
qaatay |