Idaacadda04:00 
Idaacadda11:00 
Idaacadda14:00
Idaacadda18:00
 
13:00 Duhurnimo
16:00  Fiidnimo
17:00 Habeenim
 
Waayaha

Nugaalmed

Allpuntland
Allidamaale
Puntlandpost
Dowladnimo
Somalifans
Juurile.
Jidbaale
Mudug-Online
Halgan
 

 

Fulintii heshiiska, gaar ahaan qodobka ugu horeeya ayaa adkaaday sidii loo fulin lahaa, waayo kala diridda mucaskarka ma sahlanayn maadaama ciidamada joogay halkaas ay si aad ah isku dhex galeen, dagaalo badan soo wada galeen, si wayna ay ugu kalsoonaayeen madaxdooda, gaar ahaan Sh. Xasan Daahir oo hogaamiye u ahaa. Dhalinyarada dagaalkaas gashay oo ka tirsanaa mucaskarka la kala dirayay waxa ka mid ahaa Aadan Xaashi Ceyrow (Rabi ha u naxariistee) oo gantaal Maraykan uu ku dilay degmada Dhuusa-Mareeb 1dii May 2008, Ibraahim Xaji Jaamac Meecaad oo hada madax ka ah maamulka Al-Shabaab ee magaalada Kismaayo kuna jooga magaca ah Abuubar Al-Zaylici. Iyo Mahad Warsame Mahad-Karatee oo ku sugan Muqdisho kana tirsan madaxda Al-Shabaab.

Raggii howsha kala diridda ah ku dhaqaaqay oo qubaro ku ahaa kicinta iyo dajinta dhalinyarada ayaa alifay qorshe ay ku kala furfurayaan mucaskarkaas, waxayna ka bilaabeen sidii ay Sh. Xasan Daahir uga dhoofin lahaayeen gobolka Sanaag. Way ku guulaysteen waxana Sh. Xasan Daahir looga yeeray magaalada Burco oo xiligaas ay ku sugnaayeen wadaado ay ka mid ahaayeen Shariif Cabdi-Nuur (kama uusan tirsanayna Itixaadka) C/waaxid Xaashi, Max’ed Qaasim (kama uusan tirsanayna Itixaadka) Max’ed Rashiid Cismaan, C/wahaab Isxaaq, C/lahi Cali Xaashi iyo Sh. C/qadir Gacamey. Waxana Sh. Xasan Daahir loo sheegay inuu degdeg kusoo gaaro Burco si loogu diro Muqdisho oo uu uga hortago rag halkaas jooga oo doonaya inay ka goostaan ururka Itixaadka. Laakin ragaas waxay sheegeen inay Muqdisho u yimaadeen inay ka hortagaan dagaal ka dhaca Muqdisho oo uu galo mucaskarkii ku yiilay Marka, si aysan Muqdisho uga dhicin wixi ka dhacay Boosaaso iyo Garoowe. Xiligaas isaga ah waa 1993 waxana Muqdisho joogay ciidamadii soddonka kun ahaa ee uu horkacayay Maraykanku, qabaa’isha Muqdishana ay caleemo qoyan kusoo dhaweeyeen. Wadaadada yimid Muqdisho xiligaas waxa ka mid ahaa Sh. C/lahi Diriye Abtidoon, Sh. C/qaadir Sh. Max’ed Cukaasha, C/raxman Barre, Sh. Axmed Daahir Aweys, C/lahi Ciise Cilmi iyo Axmed-Caadil, waxayna ku guulaysteen inay ka hortagaan dagaal ka dhaca Muqdisho. Ciidamadii Itixaadka ee mucaskarka Marka intiisii badnayd waxay aadeen gobolka Gedo, intii hartayna waxay soo galeen Muqdisho oo qaarkood ay ka qayb qaateen dagaalka ka dhex bilaaban doona Jan. Caydid iyo ciidamada Maraykanka oo xiligiisa aan faahfaahin doono.

Sh. Xasan Daahir sidii ayaa loogu soo diray Muqdisho. Kadibna waxa la fuliyay qodobadii kale ee heshiiska oo ciidamadii Itixaadka ee Mucaskarka Saliid wiil walba waxa loo sheegay inuu aado degaankii uu u dhashay, sidaasna waxa lagu xiray mucaskarkii galay dagaalka Bari. Halkaasna waxa ku dhamaaday dagaalkii Itixaadka iyo SSDF oo ilaa iyo maanta si nabad ah ugu wada nool goboladaas oo ay ka socoto waxbarasho dhan walba ah diin iyo maadi labadaba

Qaladaadkii Ay Galeen Itixaadku Intii Uu Dagaalku Socday

Lasoco Qaybaha danbe


 
Garam dheere      
 

 

web jirac
     
e