|
Diyaarada African
Airways ayaa ku soo dhacday garoonka Diyaaradaha Ee Bender Qasim
International Airport, Iyada oo la sheegay inay halkaasi Khasaare ka soo
gaartay Diyaarada iyo weliba Dadkii saarna oo Saddex ka mid ah aay
dhaawac qaban, In kasta oo 17 kale oo iyaguna Diyaarada Saarna aay ka
badbaadeen Shilkan Diyaarada
ayaa xiliga aay khasaarahu garay ka soo degtay garoonka Bosaso iyada oo
la sheegay inay ka timid dhanka Magaalada Dubia oo aay dadka ka soo
qaday
Diyaaradan ayaa aheyd iyadu mid dhowaan ka
bilowday degaanada Puntland Socdaalada dhanka Cirka ah, Waxana Xiligan
aay taala Garoonka iyada oo dadkii saarnana la badbaadiyey, Waxana dadka
Saarka oo aha 20 Qof in ku dhow aay Lix ka mid ah ahayeen Shaqaalahii
Diyaarada
Ma’aha markii ugu horreysay ee Garoonka bosaso
oo ah Mid burbur xoog leh heysto aay Diyaaradii ku soo dhacdo, balse
Sanado ka hor ayey aheyd markii sidaan oo kale Diyaarad ugu soo dhacday
Garoonka Balse mar walba ma jirin khasaare sidaa u buuran
Ciidamo aad u fara badan ayaa soo gaaray
Garoonka kadib markii Shilku dhacay waxana weli Socda baaritano xoog leh
|