Kismaayo. Qolo dano gaara leh kuma hadli karto magaca Shacabka Gobolka Jubbada Hoose

 

 

BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM

Guddiga iyo Xubnaha Ururka Badbaadinta Iyo Mideynta Jubbada Hoose.

KU: Labo Xubnood oo kala sheegtay inay kala metalaan maleeshiyooyinka Kudhaa iyo deegaanka Caanoole.

Ujeedo: Kooxo dano gaara leh, kuma hadli karaan magaca shacabka Gobolada Jubbooyinka.

Hadii aanu nahay dhamaan Gudiga iyo Xubnaha Ururka badbaadinta iyo mideynta Jubbada Hoose kuna kala sugan W/Ameerika, Yurub, Bariga Dhexe, Afrikada Bari, New Zealand iyo Australia, markii aan shirar is daba joog ah yeelaney kuwaas oo ku wajahnaa dhibkii dhowaan soo food saaray shacabka degan deegaanka Kudhaa iyo nawaaxigiisa, ayaan waxaan go'aansaney in aan ka soo saarno baaq ku saabsan dhacdadii Asbuucii la soo dhaafay ka dhacday deegaanka Kudhaa iyo nawaaxiga ku dhow dhow iyo xubnihii u hadlay ee aan xilkaska ahayn.

Anagoo baaqaan u jeedinayna inta ay khusayso oo ah kuwa danaha gaarka ka leh deegaanadaas , doonayana inay madaxa isku gelinaaya dadka deegaanadaas ku dhaqan oo ay ka mid yihiin nimankii dhamaadkii Asbuucii tegay ka hadlay VOA 25.04.2008 oo kala ahaa Cumar Cabdullaahi Faroole oo ku hadlayey magaca ciidamo ku sugan Kudhaa iyo ninka kale ee sheegtay Sheekh Maxamed Abu-cabaas oo isna sheegtey inuu u hadlayey ciidamo iyaguna ku sugnaa Lagta Caanoole. Waxaan cadaynaynaa inaan nimankaas aan u ragno shar wadeyaal, shacabkana dhibaato u soo jiidaya oo doonaya in waxa ka socda Muqdisho ay u soo safriyaan deegaanadaas.

Waxaan cadaynaynaa inaysan kuwaas aysan matalin shacabka kuna hadli karin magacooda, maadaama ay door bideen inay isku gubaan daadiyaana dhiig dad muslin ah oo horay u dhibaataysnaa kana soo cararary magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda. 

Waxaan cadeyneynaa inay labadaas nin aysan u dhalan Gobolka Jubbada Hoose, aysana marnaba matali karin kuna hadli karin magaca deegaanadaas.Waxaan u sheegeynaa iyaga iyo inta kale ee u durbaan dumaneysa in shacabka dhibka ay maanta ku jiraan mid ka sii daran loo geesto, marnaba ma aqbaleyno cid alaale iyo cidii isku daydaana ka yeeli meyno in shacabka ay amaan xumida, abaaraha, waxbarasho la,aanta iyo caafimaad xumida ay dilootey in loo soo jiido dhib kale oo cusub oo ka tan badan.

Madaama aanu nahay Ururka Badbaadinta iyo Mideynta Jubbada Hoose, marnaba ma ogolin in dhiiga shacabka lagu daadiyo dano shaqsiyaad ay leeyihiin iyagoo ku mar-mar siyoonaya magacyada ay kala sheegteen in ay shacabka ku matelaan.

Waxaan aaminsanahay, marwalbana soo jeedinaynaa in wanaaga laga shaqeeyo , lana iska dhaafo jidaynta la jidaynayo in la dilo qof Islaam ah oo aan waxba galabsan oo guriisa ku jira, waxaana ugu baaqaynaa shacabka ku nool jubbooyinka inay amba- qaadaan jid wanaagsan oo ay ku jirto maslaxadooda , kana waan toobaan inay taageeraan kuwa ka shaqaynaya inay isku dilaan dhex-dooda.

Waxaan kaloo shacabka ku guubaabinaynaa sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen xoreynta gobolka J/hoose, taas oo ku aadan sidii banaanka la isaga dhigi lahaa kuwa dhagar wadeyaasha ah ee xooga iyo billiliqa doonka ah ee ka yimi mudug galgaduud ee uu horkacayo Barre Aadan shire (Hiiraale) iyo inta ku xulufo la ahba.

Ururka Badbaadinta Iyo Mideynta Jubbada Hoose

 -> waamogroup1@hotmail.com 

-> mideyn@googlemail.com