Diinta saxda ahi waa diin nabadeed,
waana Diin naxariiseed, waxaana markaati iyo tusaale u ah waxyaaba far
badan oo ay ugu horeyso:
1 – salaanta islaamka ee ah {السلام
عليكم ورحمة الله وبركاته}
micneheedana waad wada ogtihiin oo waa{Nabad iyo Naxariis Allaha ku
siiyo} Salaantii cid waliba loogu talagalay in lagu salaamo, ayaa Nabad
iyo Naxariis ah.
2 – Allaah {سبحانه
وتعالي}waxa uu leeyahay 99 magac, waxaana
uu u doortay in Bisinka la raaciyo, labadaan magac ee ah {الرحمن
الرحيم}
labadaas ayaa bisinka oo wax kasta oo wanaagsan lagu bilaabo lagu daray,
labaduna waa {naxariis badane} mrka waxa ay ku tusaysaa in naxariistu
Diinta Tiir u tahay.
Ala {سبحانه
وتعالي } waxa uu Suurada {Al-acraaf}
Aayada {156} ku yiri{ورحمتي
وسعت كل شىء}oo
macnaheedu yahay [naxariistaydu ayadaa wax waliba ka balaaran] Marka
Naxariistu Diinta Islaamka ayadaa Saldhig u ah, hadii si sax ah loo
fahmo, oo aysan qalooc-qalooc kuu gelin.
3 – Suuradda la yiraahdo {النساء
} Aayada{29} waxaa Allaah {سبحانه
وتعالي }uu ku yiri asagoo annaga nala
hadlaya {ولاتقتلوا
أنفسكم ان الله كان بكم رحيما}
oo micnaheedu yahay {ha is layna, Alla waa mid idiin naxariistee}. Marka
u fiirso, naftiina badbaadsha ayaa nala leeyahay.
4 – Rasuulkeenna {عليه
الصلاة والسلام}waxaa Allaah {سبحانه
وتعالي} ku magacaabay {بالمؤمنين
رؤوف رحيم}waa Aayada {128}ee Suurada {التوبة}
macneheedu waa {Rasuulku waa mid muuminiinta u turid-badan, una naxariis
badan}.
5 – Allaah {سبحانه
وتعالي}waxa uu Suurada {الأنبياء}
Aayada{107} ku yiri asagoo lahadlaya Rasuulka{وماأرسلناكالارحمة
للعالمين} oo
macnaheedu yahay: {waxa aan kuu soo dirnay oo kaliya, in aad Aduunka
naxariis u tahay}.
6- Allaah {سبحانه
وتعالي} waxa uu Suuradda {أل
عمران}Aayada {159} ku yiri {فبما
رحمة من الله لنت لهم ولو كنت فظا غليظ القلب لانفضوا من حولك
} oo micnaheedu yahay {naxariis Ala ku siiyay darteed ayaad dadka ugu
debacsanaatay, markaas ayay ku jeclaadeen oo ay ku raaceen, ee hadii aad
ahaan lahayd mid Qallafsan oo qalbi-dhagax ah way kaa kala yaaci
lahaayeen.}
Marka u fiirso waxa lagu raacay
Rasuulka waxa ay ahaayeen {Naxariis iyo Debacsanaan} ee ma aha sida
wadaada fara badan, oo ama aqoonta diintu ku yartahay, amaba fahamkeedu
ku qaloocday ay wax ku raadinayaan. Waxa ay la tahay in Xabad sanka
dadka laga geliyo xal ku iman karo!
7 – Rasuulkeenna {عليه
الصلاة والسلام} markii uu magaalada Makka
qabsaday ee uu gacanta ku dhigay Gaaladii waaweyneed ee isaga ka soo
cayrisay, Muslimiintana baabi’isay, waxaa dhacay wax aan la filayn.
Rasuulku wuu sii daayay,
waxana uu ku yiri {اذهبوا
فأنتم الطلقاء} {iska socda xur baad
tihiine} Bal fiiri heerka Naxariiseed ee Rasuulkeenii {عليه
الصلاة والسلام
} uu gaaray.
8 – Waxaa xusid mudan in Rasuulku
dagaalkaan Maka uu u galay, in uu daafaco, isbahaysi uu rag Gaala ah la
lahaa, oo Gaala kale ku soo duuleen.
9 – Rasuulkeenna{عليه
الصلاة والسلام} markii Makka laga eryay,
ee uu magaalada Daa’if aaday, si uu garab uga helo, ee Reer Daaa’if
ayaguna xumeeyeen kuna kacsheen wax-magaradkii ee la dhagxeeyay ee
dhiiga laga daadiyay, ee asagoo xaaladaa ku jira ee go’doonsan loo soo
diray Malaga qaabilsan Buuraha, ee Malagii ku yiri: ma ku rogaa buuraha?
Rasuulkeena waxa uu yiri{اللهم
اهد قومي فانهم لايعلمون}{Allaw
dadkayga soo hanuuni, waxba lama socdaane }. Wuu diiday in la halaago,
weliba wuu u sii ducaynayaa.
10 – Rasuulku markii uu Daa’if ka soo
noqday ee uu Maka ku soo noqon lahaa, waa loo diiday in uu ku soo noqdo,
waxaa megen gelya siiyay nin Gaal ah oo reer Maka ahaa, oo isugu yeeray
reer Maka una sheegay in aan cid la hadli kartaa jirin. Rasuulkuna
markii uu Maka qabsaday ninkaa abaalka uu u hayo ayuu sheegay. Marka
arrintu waa wada noolaasho, ee cadaawa joogta ah ma jirto.
11 – Rasuulku dagaalkii Xunayn markii
uu dhamaaday, waxa uu 300 oo geel ah siiyay nin Gaal ahaa, laakin
madaxda gaalada ka mid ahaa, oo la yiraahdo Safwaan Ibni Umaya. Waxaa
arintaa ka carooday Ansaar, laakin Rasuulku waxa uu si degan oo naxariis
leh ugu sheegay in uu ula jeeday in Safwaan iyo inta raacsan ay soo
Muslimaan si Naar looga badbaadiyo. Marka u fiirso Naxariista Rasuulka
iyo inta uu ku dadaalayay in uu dadka ka badbaadiyo Cadaabta.
12 – Rasuulku markii uu ka qaxayay {haajirayay}
Maka ee uu u qaxayay Madiina, safarkaasi waxa uu ahaa kii ugu adkaa, ee
uu weligii galo. Waxaa loo raadinayay si aan caadi ahayn, waxaana loo
balan qaaday 100 geel ah cidii war ka keenta. Safarkaa isaga ah waxa uu
isku aaminay oo uu mas’uul uga dhigay in uu fuliyo, Macalina ka noqdo
nin aan Muslim ahayn, ninkaasina hawsha, waxa uu u fuliyay sidii ugu
haboonayd. Marka u fiirso Rasuulku cid walba xariir wanaagsan ayuu la
lahaa.
13 – Rasuulku markii uu arkay in
Saxaabadiisii aynan Maka ku noolaan karin, dhibaatooyinka lagu haayo
darteed, waxa uu u diray in ay {Al-najaashi} oo aan Muslim ahayn megen
galaan, laakin Rasuulku uu cadeeyay in uu Cadaalad yahay, cadaaladaana
muhiim ah. Culimada Islaamku waxa ay cadeeyeen in Dawlad Gaala maamusho,
laakin Cadaalad ahi, ay muda dheer jiri karto, laakin Dawlad Muslim
maamulo, oo Cadaalad la’an ahi muda dheer aysan jiri karin. Sababtoo ah
Cadaalada ayaa saldhig u ah wax walba oo horumar Aduun iyo Aakhiro.
14 – Markii Rasuulkeennu {عليه
الصلاة والسلام}uu
Madiina yimid, waxaa ka xumaaday imaashihiisa nin la yiraahdo C/laahi
Ibnu Ubay Al-salool oo isga loo caleema saarayay in uu noqdo hoggaan
cusub. Ninkaasi – oo Islaamnima aan jirin sheegan jiray – waxa uu hogaan
u noqday dadkii Rasuulka iyo hawshiisa colaadda u hayay, waxana uu
isbahaysi qarsoodi ah la lahaa cid kasta ee Rasuulka iyo diinta Islaamka
la dagaashan.
Rasuulkunawuu ogaa arinkaas, wuuna u
adkaysanayay muda 13 sana ah oo uu Rasuulku Madiina joogay. Waxaana
dhawr jeer la isku dayay in Rasuulka laga dhaadhiciyo in uu ninkaa dilo,
laakin rasuulku waxa uu ku jawaabayay mar waliba {ma waxaad doonaysaan
in lagu sheekaysto Muxammad Asxaabtiisa ayuu dilayaa} ileen ninkaan
waxaa aduunka kale looga yaqaan in uu Muslim yahaye.
15 – Rasuulkeenna{عليه
الصلاة والسلام}waxaa
caada u ahyd in uu qofka waxa uu si muuqata u samaynayo loo tix-geliyo,
oo aan la dhihin daacad kama aha, wax caada u ahayd in uu yiraahdo
qalbigiisa miyaad baarteen adinku. Marka in la qodqodo oo la dabagalo,
ma jeclayn, asagoo og in qofku xumaan qarsanayo ayuu ka indha laaban
jiray.
16 – Rasuulku {عليه
الصلاة والسلام}waxa
uu cafiyay nin Saxaabada ka mid ahaa oo la dhihi jiray Xaadib Ibnu
Baltaca, oo si qarsoodi ah isugu dayay in uu sheego duulaankii uu
Rasuulku Makka ku qaadi lahaa, ninkaasi warqad ayuu u qoray Gaaladii
Makka, kadibna Naag ayuu u dhiibay, markii la ogaaday arinkaasna, Rag
waaweyn oo Saxaabada ka mid ahaa, oo uu Sayid Cumar ugu horeeyay ayaa
waxa ay Rasuulaka ka codsadeen in ninkaa qoorta laga jaro, laakin
Saxaabigii waxa uu Rasuulka ka codsaday in aan lagu degdegin oo la siiyo
fursad uu ku sharaxo waxa uu ula jeeday arinkaas, markii uu cadeeyay in
aanu xumaan ula jeedin ee Rasuulkuna ku qancay isdaaficiisa, Rasuulku
waxa uu yiri Xaadib dagaalkii Beder ayuu ka qaybgalay, ee maxaad ka
ogtihiin xaalkiisa, in xag Ala looga dhaafay waxa uu samaynayo?. Waana
la cafiyay.
17 – Rasuulku{عليه
الصلاة والسلام}
waxa uu cafiyay nin u yimid in uu asaga dilo, oo Seef u qaatay asagoo
jiifa Rasuulku, Seeftii ayaa ninkii ka dhacday! {waa awood Ala}kadibna
Rasuulku Seeftii ayuu qaatay oo ninkii ayuu tusiyay in uu dili karo,
markii ninkii iska cabaadayna Rasuulku wuu iska cafiyay. Hada waa ninkii
dili lahaa ee u fiirso.
18 – Rasuulku {عليه
الصلاة والسلام}waxa
uu dhintay ayadoo Jaakadiisii Dagaalka uu Rahan u haysto nin Yahuudi ah,
oo Madiina deganaa, oo Rasuulku ka qaatay Dayn. Taasina waxa ay si cad u
muujinaysaa in aan Bina aadamku Muslim iyo Gaal aanu kala maarmin, oo
wada noolaashihiisu ay muhiim tahay, ee waxaa joogay Muslimiin fara
badan oo dhaqaala haystay oo uu Rasuulku daynta ka qaadan karay, hadii
uu doono.
Hadii aan isku dayno in aan sii wadno
diinteenna Naxariisteeda iyo Nabad-jacaylkeeda, wax aan wada sheegi
karno waa ka badanyihiin, laakin intani waa tusaale uun.
Hadii aan 3 – Xadiith uun aan fahmi
lahayn dhiiga Muslimka daadintiisa uma tartaneen! waa: {المسلم
من سلم المسلمون من لسانه ويده}{Muslim
waa qofkii Muslimiintu afkiisa iyo gacantiisa ka nabad galaan} aad ayuu
u koobanayahay, laakin waxba kama tegin, waa daawo, hadii aan fahmi
lahayn.
Kan kale waa kii uu ku dardaarmay
Rasuulku Xajkiisii lagu magacaabay Xajkii sagootinta, waxana uu yiri {فإن
دماءكم وأموالكم وأعراضكم عليكم حرام كحرمة يومكم هذا، في شهركم هذا، في
بلدكم هذا، ألا هل بلغت؟}
{لا ترجعوا بعدي
كفارا يضرب بعضكم رقاب بعض
}
Rasuulku markii uu u sheegay
Saxaabada sida ay u wayntahay maalinta la joogo, goobta lajoogo iyo
magaalada, ayuu ku yiri{dhiigiina in aad daadisaan, maalkiina in aad
kala dhacdaan, sharaftiinana inaad ku xad-gudubtaan waa idinka xaaraam
sida ay hadda goobtaan aad joogtaan oo Makka ah ay xaaraan idiinkaga
tahay, war hooy! iga dib ha noqona gaalo qoorta iska jaraysa}
Kan sedaxaadna wa:
{والذي
نفسي بيده لقتل مؤمن أعظم عند الله من زوال الدنيا
}
{Alaha naftaydu gacantiisa ku jirto
ayaan ku dhaartaye: in dhiig Mu’min la daadiyo, waxaa Ala agtiisa ka
fudud in Aduunyada oo dhan la waayo}
Fiira gaar ah: Axaadiithta aan soo
sheegay dhamaanteed waa Axaadiith sugan oo aan wax {daciif ah lahayn}.
Cidii mugdi uga jirana way baari kartaa.
Intaasi waa tusaale, laakin cidii u
baahan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida loo xaaraantimeeyay
Dhiiga Muslimka, ha fiiriso Aayadaha {92 – 93} ee Suuradaa {Al-nisaa’a},
sidoo kale Aayadaha {27 ilaa 39} ee Suurada {Al-maa’ida}, sidoo kale
Aayadaha {68 – 69}ee Suurada {Al-furqaan}, sidoo kale Aayadaha {24-25}
ee Suurada {Al-fatx}, sidoo kale Aayadaha {6 ilaa 13}ee Suurada {Al-xujuraat}.
Qur’aanka waxa aan u doortayna waxa
waaye, Soomaalida iinta badan waxaa u sahlan in ay wax ka baaraan
Qur’aanka, laakin Axaadiithta waxaa dhici karta in aysan sahal ku heli
karin, ee waxaa jira boqolaal Xadiith, oo si kulul u diidan, in qof aan
waxba galabsan Muslim iyo Gaal, amaba noole kale intaba, in aan wax la
yeeli karin. Dil iska daaye, in hub xagiisa loo jeediyo ayaa Xaaraam ah,
waasa hadii aan caqligeedii iyo cilmigeedii aan leenahay.
.
Intaa aan uga gudubno Diinta Saxda ah.
Bal aan fiirino Diinta la Sumeeyay ee
Umada badan ku halaagsameen.
ألم تر الي الذين بد لوا نعمة الله كفرا وأحلو قومهم دار
البوار* جهنم يصلونها وبئس المصير
Aayadahaan aan ku bilaabay waxa ay ka
hadlayaan dad Alla nicma oo dhan siiyay ee nicmadii la siiyay u bedelay
halaag iyo Cadaab, Naarna ku dambayn doona. dhibaatada haysata
Soomaaliya. Waxaa aan nahay dad wax waliba oo Khayr ah Ala siiyay, ee
ayagu gacmahooda isku baabi’inaya, sidii Alla ku sheegay Yahuudii
deganayd Madiina xilligii Rasuulkeenna Suuban.
Miraha Diinta Sumaysan
Miraha Diinta Sumaysani waa:
habeen madow dhulka ka hoos, ama goob mugdi ah wax qaldan ha laguugu
soo baro, meel Aduunkaba ka xiran, wax ha laguu sheego, ayadoo
waalidkaa lagaa qarinayo iyo cidwalba oo ku taqaan, ee halagaa
dhaadhiciyo inteena ma ahee, waxa dunida ku nool – oo Waalidkaa ugu
horeeyo – waa Gaalo!, waana in la laayo!
Kadibna Afka laguu soo duubo, oo
si naxariis dara ah, Bambooyin laguugu soo xiro, amaba Madaafiic
laguu soo dhiibo, ee aad dadkaaga la dhacdo, ee aad ka dhigto, mid
aad dishay, mid aad naafaysay, mid aad dhaawacday, mid aad
agoontaysay, haweeney aad ninki ka dishay, ama caruurtii ka laysay,
mid aad shaqa tirtay, qaar aad badda ku daadisay, qaar aad saxaraha
ku laysay, qaar aad shook ku riday, mid waashay, mid argagaxsan oo
aan hurdin, mid aqoon la’aan ku dhacday, markii goobihii
waxbarashada la duqeeyay, ama macalimiintii laga dilay.
Intaas oo balaaya ah markii aad
samaysana, gedacad {dhabar-dhabar} u jiifo ee idaacadaha la hadal, ee
hadalkaaga Magaca Ala iyo kan Rasuulka ku bilaaw, kadibna sheego in aad
Ala dartiis waxaas oo dhan u baabi’isay. Waa kaas miraha Diinta Sumaysan.
Miraha Diinta Sumaysani, waa
Waalidkaa, walaalahaa, qaraabadaada, deriskaaga, saaxiibadaa,
naflayda iyo noolaha oo dhan cidna ha u turin, ee dar Ala ayaan u
laayay dheh, oo Jana ayaan ku gelayaa.
Miraha Diinta Sumaysani, waa wax
alaala iyo wixii Diinta saxda ah iyo caqliga caafimaadka qabaa
diideen samay, ee kadibna isla saxnaaw, ee Alla ku mahadi in aad
dadkaagii baabi’isay.
Miraha Diinta Sumaysani, waa
Aduunka oo dhan la dagaal waxa ku nool Muslim iyo Gaal, ee dadkaaga
go’doomi, waxna ha u tarin, ee colaad uga abuur meelwalbaba, dibadda
iyo gudaha, hana daaweyn, waxna ha barin, cidii isku dayda in ay wax
u qabatana waa Gaal, ama Gaala-raac dheh, ee qoorta ka goy.
Miraha Diinta Sumaysani, waa
warfaafinta Aduunka la hadal ee u sheeg in aad dawladaha deriska ah
Caasimadahooda burburin doonto, amaba aad qabsan doonto, adoo aan
marnaba ka fikirin inta Soomali u dhibaatoonaysa hadalkaas iska dheh
ah, waana xusuusantihiin warkii 2006 dii ee ahaa Adisababa ayaan
qabsaneynaa iyo wixii uu halaag abuuray.
Miraha Diinta Sumaysani, waa
dagaal aan dhamaan, ujeedana lahayn iska wad. Tusaala ahaan: waa
dagaaladii ka bilawday 1991 kii, ee Araare lagu galay, kadibna
Boosaaso lagu galay 1992, kadibna Luuq lagu galay 1996, kadibna
Xamar lagu galay 2006, welina lagu sii wado, ee asagoo aan ujeeda
lahayn lagu baabi’iyay kumanaan Soomaali iyo Ajnabi intaba, welina
loo heelanyahay oo lagu faanayo.
Miraha Diinta Sumaysani, waa
siyaasadda xabad ku soo gal, xabad ku joog, hadba dagaalada sii
kordhi, adoo aan danaynayn dhibaatada shacabka, si shir dibadda ah
lagaaga yeero, si aad intii yarayd ee hartay,ee naafada ahayd aad
madax ugu noqato, adoo weli isla saxan, oo u arka in aad guul weyn
soo hoysay.
Miraha Diinta Sumaysani, waa in
qaar wadaadada Soomaaliya ka mid ahi aaminaan in ay cumrigooda
dagaal ku dhamaystaan, degaanada kalana ay u soo xawilaan koofurta
Soomaaliya cidii ka wareerta,ama dagaal ku noole ka naqata.
Haddaba su’aashu waxa ay tahay,
maxay Wadaadada koofurta Soomaaliya ka wada dagaalada aan dhamaanayn,
ujeedadana aan lahayn, ay nabad ugu noolaan waayeen sida wadaadada
miirka qaba ee ku nool Aduunka intiisa kale, amaba Soomaliya
gudaheeda sida: Soomaaliland iyo Puntland oo wadaadadi
dagaal-oogayaashaan wax soo baray ay si nabad ah ula noolyihiin
maamulada halkaa ka jira?. Masa waxa ay yaqaaniin Diin aan
Muslimiinta Aduunka kale oo dhan aysan aqoonin? Macalimiintoodiiba
hadii ay nabad qaateen ayaga maxaa nabadda u diiday?