Waxaa maanta xafiiska dowlada hoose ee
magaalada Arhus ee caasumada labaad ee Denmark kulan balaaran ku
yeeshay Wasiirada wasaarada hormarinta haweenka iyo arimaha qoyska
Marwo Asha Gelle Dirie iyo duqa magaaladaas Mudane Nicolie Wamm.
Kulankaa waxaa wasiirada ku weheliyay madaxa ururweynaha
somalirelief organisation mudane Maxamud Khalif iyo Mudane Saalax
Siciid Diiriye madaxa ururka Puntland Aid Service (PAS). Waxaa
dhinaca duqa magaalda dhiniciisa kulankaa ku wehliyay xubno ka
tirsan golaha deegaanka magaalada Arhus.
Kulan labada dhinac wuxuu ku bilaabmay isbarasho iyo isbariidin.
Duqa magaalada Arhus wuxuu kulankaa kusoo bandhigay howlaha dowlada
hoose iyo qorshayaashood, waxaa klaoo u duqa magaalada halkaa kusoo
bandhigay qorsha shaqeysiinta soomaalida iyo qaabka qalabixinta.
Waxaa ayana halkaa ka hadlay marwo Asha Gelle Dirie oo soo
bandhigtay warbixin guud oo ku saabsan soomaliya iyo Puntland, qaab
nololeedka haweenka, qorshayaasha wasaaradeed iyo himilooyin eey
tiigsanyaan. Wasiiradu waxeey mahad balaaran u jeedisay duqa
magaalada Arhus iyo golaha deegaanka waxeey uga mahadcelisay qaabka
wanaagsan ee loo soo dhaweeyay, waxaa kaloo wasiirada dowlada hoose
ee Arhus uga mahadcelisay ayadoo ku hadleeysa magaca Soomaaliya iyo
kan qurba-joogta si kal iyo laab ah uga mahadcelisay soo dhawedenta
jaaliyada eey u fidisay dowlada hoose ee magaalada Arhus.
Waxaa xusid mudan in kulankaa uu ahaa mid si rasmi ah wasiirada
loogu soo dhaweeyay isla markaana markii ugu horeysay calanka
soomaaliya xafiis dowladeed ka lusho, arintaa ayaa aad usoo
dhaweeyeen dhamaan jaaliyadaha soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka
Denmark. Kulankaa wuxuu ku dhamaaday jawi aay ka muuqato is afgarad
iyo reynreyn, wasiiradu waxeey halkaa ku saxiixday buuga martida.
Ugu danbeyntii waxeey Wasiirada wasaarada hormarinta haweenka iyo
arimaha qoyska Marwo Asha Gelle Dirie si rasmi ah ugu casumtay dqa
maglaada iyo golaha deegaanka ineey kusoo booqdaan Puntlan.