![]() ![]() |
||
|
waasiiradda casha geelle oo ka
hadashay somaliya iyo wax qabadkeeda
(xuquuqdda
sawiradda ilaali laxidhidh
Puntland Aid
Service (PAS
Waxaa maalinkii arbacada taariikhduna ku
aadaneyd 9 april 2008 kudbo cinwaakeedu yahay Soomaaliya iyo
deegaanka ah ku qabtay xarunta ururka africa contact group ku qabtay
Marwo Caasho Geelle wasiirada wasaarada arimaha horamrinta dumarka
iyo qoyska iyo Marwo faadumo Jamac Jibril oo ah xubin firfiroon oo
kamid ah xubnaha bulshada rayidka ee Puntland, isla markaana ah
xubin u olaleeya ilaanlinta iyo dhowrista deegaanka.
Kulankaa waxaa kasoo qeyb galay dad tiradoodu kor u dhaaftay 100 ruux kana yimid qeybaha kala duwan ee ururada bulshada rayidka ee Denmark, waxaa sidoo kale halkaa lagu martiyay warbaahinta. Waxaa kulkaa warbixin guud soo gudbiyay wasiirada caasho geele. Marwo caasho waxaa halkaa kusoo bandhigtay sawirka guud ee somaaliya, qaabku dagaalada sokeeye iyo hormarkuba u saameeyay dumarka. Waxaa kaloo halkaa si faahfaahsan wasiiradu usoo bandhigtay waxqabdkeeda, barnaamijyada dowlada Puntland ee ku aadan asteynta. Waxaa iyana halkaa warbixin faahfaahsan oo kusaabsan deegaanka iyo mashruuca dekada Lasqoray Marwo Fadumo Jama Jibriil. Halkaa waxaa labada masuul lagu weydiiyay suŽaalo badan oo kusaabsan Puntland, deegaanka, iyo mashruuca dhismaha dekada Lasqoray. Waxaa sidoo kale kulankaa lagu martiyay oo kasoo qeyb galay Mudane Maxamed Xassan Gelle Madaxa shabakada iyo iskaashiga Soomaaliyeed ee Denmark, iyo Xildhibaan Ibraahim Dhaqane. Kulankaa wuxuu ku dhaamday jawi reynreyn iyo is afgarsho ka muuqato. Wixii faahfaahin ah ee soo kordho waan soo gudbineynaa hadii alle idmo
& kulamo badan madaama ay socdaalkaan ku
soo wada martay dhinacyo badan ayey maalintii
Waxaa maalintii talaada kulan balaaran ku
yeeshay xarunta ururka IUP International wafdi balaaran eey
hogaamineyso wasiirada wasaarada hormarinta haweenka iyo arimaha
qoyska ee DGPL Marwo Caasho Gelle Diriiye. wafidigaa waxaa kamid
ahaa marwo Fadumo Jamac Jibriil oo kamid ah xubnaha u olaleeya
dhismaha dakada laasqoray, isla markaana ah xubin firfircoon oo
ulooleysa ilaalinta deegaan, waxaa kaloo wafdiga wasiirada kamid
ahaa Saalax Siciid Diiriye oo ah madaxa ururka Puntland Aid Service
(PAS) Zeynab Ismaciil oo xubin ka ah ururka PAS. Wasiiada waxaa
halkaa si heer sare ah ugusoo dhaweeyay madax ururka IUP
International Gitte Larsen.
Kulankaa waxaa loogawada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashi dhinacyo badan leh oo dhexmara Puntland iyo IUP International. Wasiiradu waxeey si faahfaahsan uga warbixisay xaalada guud ee Puntland, waxaa kaloo wasiiradu halkaan kusoo gudbisay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan wasaaradeeda iyo waxqabadkeeda. Waxaa ayana kulankaa warbixin mashruuca dakada laasqoray soo gudbiyay marwo Fadumo Jibriil. Ugu danbeyntii wasiiradu waxeey si rasmi ah ugu casumtay ururka IUP ineey soo booqdaan Puntlan ayguna dhinacooda waa soo dhaweeyeen. ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() |
||