Nabad galyaddii puntlaand oo gabi ahanba faraha si toos ah uga baxday dilal kala duwana xalay aay  ka dheceen

Ciidamada amaanka ee Magaalada Boosaaso ayaa sameeyey Iska caabin xoog leh waxa ayna mudo Israsaaseyn ka socotey Magaalada Boosaaso ,hareeraheeda gaar ahaan goobo ku dhaw Xabsiga sida weyn loo ilaaliyo ee Biya Kulule ee Magaalada Boosaaso.

Saraakiisha amaanka ee Xukuumada Puntland wey diideen in ay faahfaahin ka bixiyaan waxyaabihii ka dhacay Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari ,waxa ayna sheegeen in aysan waxba aheyn Iska horimaadyadii ka dhacay Magaaladan.

Warar Madax banaan ayaa sheegaya in ay Weeraradan ciidamadan ku qaadeen dad ka soo horjeeday Howlgallada ay sameynayeen ciidamada ka tirsan Puntland ,inkastoo war Madax banaan sheegayo in ay ciidamadan rasaasta lala beegsaday ahaayeen ciidamo horey uga dagaalgalay Magaalada Boosaaso.

dhinaca nabad gelyaddu wasidee

Nabaddii puntlaand oo sii baabaday sababtoo ah ayadoo maal mahaan danbe nabad gelyaddii ay faraha kasii baxeyso ayan kala dhacayaan dilal fool xun magalooyinka  siiba casimadda garoowe

islamarkasna lagu kala dilay boosaaso garoowe  Galgacyana lagu qabtay rag  tiro ahaan dhan 8 qof. oo sideey sheegeen burcad  ahaa hadaba waxaa xalay saqdii  dhex lagu dilay dad maaskiina  ah  muruq maal ah islamarkasna ah kuwa aan u dhalanin goboladda  ahaana kuwa kasoo bara kacay dagaladdii muqdisho

 Masaakiinta  ka  shaqeysato goboladaan puntlaand laguna dilo had iyo jeerna loo han jabo  ayaa xalay lagu weraray guri uu ka deganaa ninka la dilay magaladda ee casimadda garoowe isaga iyo laba nin oo kale iyo  ninkii aay u soo wateen inuu nimankaan tuso ay isagiina toogteen kadibna ay baxsadeen  laguna raad joogo

Boosaasana waxa lagu dhaawaca 2 nin oo ka  tirsanaa nabad sugidda  B.E .S TA  looyaqaano  ayadoo ay baryahaanba soctay in la laayo ciidamadda nabad sugidda ama kuwa caadiga ah

maxaayeelay lama kala garanaayo kuwa sidaa rasmiga u shaqeeyo waayo magaladda waxaa dhex socda ciidamo badan  habeenkii

lamana kala garanaayo kuwa shaqadda ku jira iyo kuwa bur cadda taasoo sabatay amaankii oo faraha ka sii baxaayo  cidna isku tax luujinin  amaanka lagana sexday puntlaand madaama ay doorashooyin ku soo food leeyihiin islamarkaasna  dan u galin shacabka puntlaand lana dar yeelin shacabkii

CABDULAAHI CABDI GAROOWE