![]() ![]() |
||
|
KISMAAYO:-KIBIR MA JABO NINKIISA AYAA JABO
Hordhac:
Halgankii xoreynta iyo iska tuurista heeryada gumeysiga ma
xishoodaha ah wuu bilowday. Mana istaagayo ilaa ay ummadahaasi ay
helaan neecowda xuriyadda.
Runtii waxaa la yaab iyo amakaag noqotay in ummadda soomaaliyeed ay
gumeysi ku qabsadaan dad sheeganaayo inay Sommali wada yihiin. Waxaan kaloo u sheegeynaa in horay loo yiri “ninkii dhoof ku yimid baa geeeridu dhibeysaa”.
Sida aan horay u soo xusayba, waxay taariikhdu na bareysaa in
Diktaatooriyad badan burburtay, kaligii talis badan afka ciida loo
galshay…sidaasi waa soo jireen waayaha aan ka baranay…aaway Jeneral
Iidi Amiin, Charles Tyler, Hitler, Milosovich…..iyo kuwo kale oo
farabadan. Waa inay ogaadaan kuwa haatan ka taliya Gobolka jubooyinka iyo gobolada kale iney arrintooda ku dambeyn doonto “ KIBIR MA JABO NINKIISA AYAA JABO” Hadaba, maamulka burcadda ah ee xaqdarada kaga taliya Gobolka jubooyinka ee uu hogaamiyo tuugadda weeyn oo lamagac baxda hadba magac u sheegeynaa inaay waqtigooddii dhammaaday. Dadweynaha goboladaa ku noolna ay maanta diyaar u yihiin halgan aan laga soo laaban doonin oo ay ka dhabtahay in ay soo ceshadaan xuquuqdooda iyo sharaftooda ee la duudsiiyey.
Sida ay dhammaan ummadda soomaliyeed ay la socdaanba waxyaabihii
laga dhexlay dagaalada sokeeya ee dalkeena ku habsaday waxay aheyd
in dadyow ay ujeedadooda aheyd in la bedelo xukunkii kaligii taliska
ahaa ee militiriga. Sida isbedelkaasi ku yimid weynu wada ogsoonahay,
wuxuuna ahaa mid ku yimid kacdoon shacbi(popular uprise). Qolooyin
kale waxay lahaayeen ujeedo u qarsoon oo mar dambe soo ifbaxday.
Taasoo aheyd in shacbiga soomaaliyeed la xasuuqo,hantida gaarka ah
iyo tan qaranba la boobo, in kaabayaasha dhaqaale ee uu dalka lahaa
la burburiyo,dil ,dhac iyo waxkasta oo ka dhan ah xuquuqda insaanka
(crimes against humanity) la adeegsado, laguna kaco shucuub aan
isdifaaci Karin. Shirarka dib u heshiisiinta Soomalieed waa lagu soo qaadaa in dhulal laga haysto ama hanti la isku celiyo. Balse marnaba lagama hadlo Dadyowga Gumeysiga isir tiirka ah ku jiro oo la doonayo in dad deegamadooda ka soo hayaamay ay dhul aysan laheen boobaan, welina rabaan inay ku tarmaan si berri ka maalin ay u sheegtaan in ayaga goboladaasi leeyihiin..
Waxaa taasi ka sii darneyd in dhul aysan laheyn ay boobaan, dadkii
soo jireenka ahaa ee dhulalkaa iska lahaa lagu sanduleysto aduunsi
iyo falal bani’aadamka ka dhan ah. In si xaq daro ah dhul beereedka
iyo kheyraadka goboladaasi loo booboHadaba, arrimaha aan soo xusay
waxaa si waaqici ah looga hirgelieyey gobolada shabeelaha
hoose,banaadir, Jubooyinka hoose .
Waxaa waayaha soo jireenka ah iyo taariikhdii hore iyo maanta
joogtaba na bareysaa in dadka dulmiga iyo xaqdarada adeegsadaa ay u
dambeyn doonto burbur iyo taariihkh muqdi ah oo markastaba lagu xuso
bogga taariikhda. maxamuud cabdi kismaayo |
||